Madrid (Reuters ) -Ciyaartoyga weerarka ah ee kooxda Barcelona, Samuel Eto`o ayaa wali rajo weyn ka qaba sidii xilli-ciyaareedka soo socda uu ugu soo wareegi lahaa ciyaartoyga weerarka ah ee kooxda Arsenal, Thierry Henry, kadib markay xilli-ciyaareedkii hore kooxda Barcelona ku guuldaraysatay in uu u hirgalo heshiiska ciyaartoygan u dhashay dalka France.
“Waxaan soo dhawaynayaa, isla markaana aan ku rajo weynahay in aan Henry iska garab safano xilli-ciyaareedka soo socda. Run ahaantii imaantinkiisu wax saamayn ah iguma yeelanayo, laakiin kaliya waxaan ku farxsanahay in uu kooxda Barcelona u soo wareego, sidoo kalana waxaanu diyaar u nahay in aannu gacmo furan ku soo dhawayn doono,” ayuu yidhi Eto`o.
Ciyaartoygan, ayaa ka hadlay heshiiskii Barcelona ay ku guuldaraysatay sannadkii hore ee ku waajahnaa sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd Henry, kadib markuu ciyaartoygani go`aansaday in uu heshiis cusub la galo kooxda Arsenal.
Wuxuuna intaa ku daray: “Run ahaantii waanu ku faraxnay, kadib markaanu maqalnay in Henry uu u soo wareegayo kooxda Barcelona, taas oo aanu rumaysnayan in uu kooxda u horseedi doono guulo waaweyn. Hadda wuxuu u saftaa koox wanaagsan, laakiin waxa ka sii fiicnaan lahayd in aanu isku koox noqono oo uu u soo wareego Barcelona, sidaa daraadeed waxaan jecelahay in aanu koox u wada safano ciyaartoyada ay tayadoodu sarayso iyo Henry oo ka mid ah ciyaartoyada ugu wanaagsan, isla markaana wuxuu kaalinta koowaad kaga jiraa ciyaartoyada ugu tayada fiican kubadda cagta adduunka,” ayuu yidhi Eto`o.
Haddaba ciyaartoygan u dhashay dalka Cameroon, ayaa ku adkaystay in uu u sii safan doono kooxdiisa Barcelona, kadib markay baryahan dambe soo baxday warbixino lala xidhiidhsiinayo in uu xirfadiisa kubadda cagta u guurin doono tartanka horyaalka dalka England.
Wuxuuna intaa raaciyey, “Waxba kama oggi hadalada ay dadku isla dhex maryaan eek u saabsan in aan u wareego doono tartanka Premiership-ka, laakiin waxaan filayaa in hadaladdaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo taadtoona lahayn, sidaa daraadeed arrimahani waa kuwo markasta la caadaystay in suuqa la galiyo hadalo ku tidhi-ku-teen ah, maxaa yeelay waxaan caddaynayaa in aan go`aankaas marnaba laga maqal afkayga, balse aan ku faraxsanahay joogitaanka kooxda Barcelona iyo aniga oo hubba in aan u sii safan doono ilaa xilli-ciyaareedka dambe, sidaa daraadeed hadda waxaan kooxda Barcelona kula jiraa qandaraas heshiis oo socon doona ilaa sannadka 2010-ka, laakiin wax fakir ah kama haysto meesha aan ku damabayn doono marka uu dhamaado heshiiska aan kula jiro kooxdan.” Sidaa waxa yidhi Eto`o.
Kooxda Barcelona, ayaa ilaa hadda u baahan sidii ay uga faaiidaysan lahaayeeen qaab-ciyaareedka ciyaartoygan kooxda u qaabilsan kaalinta dhinaca weerar galida, taas oo ay rumaysan yihiin in uu guulo waaweyn ka soo hooyn doono kulamada ka hadhsan dhamaadka koobka horyaalka naadiyada Spain iyo loolanka horyaalnimada ee ay kula jiraan saddexda kooxaha ugu waaweyn dalka Spain sida, Real Madrid, Sevilla iyo Valencia.
Shiine Cilmi Kaahin Dalmar Sports News