PARIS, Laacibka khadka dhexe ee kooxda Inter iyo xulka kubadda cagta ee Holland, Wesley Sneijder, ayaa si hordhac ah loogu saadaaliyay in uu yahay ciyaaryahanka waqtigan sida rasmiga ah loogu saadaalinayo inuu ku guulaysan doono abaalmarinta xiddigga ugu wanaagsan qaarada Europe ee loo yaqaano FIFA Ballon d’Or.
Abaal marinta oo ay sannad kasta bixiso Majaladda ciyaaraha ka faaloota ee dalka Faransiiska France Football, ayaa ku dhawaaqday in sannadkan mar kaliya lagu wada dhawaaqi doono xiddigga Qaarada Yurub ee Ballon d’Or iyo xiddigga adduunka ee FIFA World Player of the Year, waxaa lagu dhawaaqi doonaa bisha January.
Ciyaartoygan 28 jirka ah ee u dhashay dalka Holland, ayaa xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa Inter ka caawiyay inay ku guulaystan saddex koob oo kala ah Champions League, Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da iyo koobka Talyaaniga (Coppa Italia)
Waxa uu ciyaartoygani hadda uu meel sare xulka dalkiisa Holland ka gaadhsiyay ciyaaraha Koobka Adduunka oo ay ka gaadheen miishii ugu fiicnayd muddu 12 sannadood ah.
Dinaca kale Sneijder oo la waydiiyay sida uu u arko abaalmarinta loo saadaalinayo, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in loo sharaxo abaal marintan, isagoo intaa raaciyay inuu ka jeclaan lahaa haddii uu si rami ah ugu guulaysan lahaa, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in la ii saadaaliyo abaalmarintan, laakiin waxan ka jeclaaan lahaa in aan si rasmi ah ugu guulayso,” ayuu yidhi
Sneidjer, “Laakiin way aadagtahay ku inaad si dhib yar ugu guulaysato, waayo waxa kula loolamaya ciyaaryahanno waawayn oo guulo badan gaadhay,” ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday.
Sneijder waxa kale oo laga yaabaa in uu qaado kabaha dahab-ka ah ee ciyaaraha adduunka oo ka dhaliyay 4 gool.
Shiine Cilmi Kaahin - Hargeysa
sirshiine@yahoo.com