www.dalmar.org
Home
Profile
DTC
Sport
Articles
Reports
Gallery Radio
Videos
Forum
Contact us






SPORT NEWS
CiyaarihiiXagaaga Kubadda Cagta Sweden oo la soo gebagebeeyay
----- Posted to the Web Jul 26 -----

Stockholm,Waxaa maanta si rasmi ah ugu soo dhamaaday garoonka Spanga ee Magaalada Stockholm ciyaarihii Kubadda Cagta Xagaaga ee dalka Sweden, kaasi oo soo socday tan iyo 12-kii bishii April 2010.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay 12 kooxood, kuwaasi oo ka kala socday Dalalka Britain, Sweden, Denmark, Norway iyo Australia, waxaana ku guuleysatay Kooxda Qaran oo ka dhisan Magaalada Stockholm.

Ciyaartii gunaanadka ayaa waxaa isugu soo haray Gotenborg iyo Qaran, waxaa 5-0 ku badisay Kooxda Qaran oo ah Koox ka dhisan Magaalada Stockholm. Kooxda kaalinta labaad gashay ayaa waxaa ku ciyaareysay magaca Gotenborg.

Tan iyo intii uu socday tartankan waxaa garoonka galab walba soo camirayay dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid Magaalooyinka kala duwan ee Sweden iyo Wadamada la deriska ah Denmark, Norway iyo Finland.

Xaflad koobkii SEUKI 2010 lagu bixiyay oo lagu qabtay gudaha Garoonka Spanga ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin Isboorti iyo Madax ka socotay Axzaab siyaasadeed oo dalkan ka dhisan, kuwaasi oo furitaankii ilaa dhamaadkii ciyaarahan goob-joog u soo ahaa;

Waxaa xusid mudneyd in ay dhinaca qadka taleefoonka uga soo qeybgashay xafladda Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo si weyn u bogaadisay Dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee uu Ururka SEUKI ka wado Yurub, gaar ahaan Dalka Sweden. Sidoo kalena, waxay hambalyo u dirtay Guddoomiyaha SEUKI ninka lagu magacaabo Xiirey Axmed Rooble oo dhawaan ka mid noqday Xubnaha Guddiga Fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Gunaanadkii xafladda ka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha SEUKI 2010 Xiirey Axmed Axmed Rooble, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay Xubnaha SEUKI ee ciyaaraha la soo waday, si gaar ahna wuxuu ugu mahad-naqay dadka Sweden, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Stockholm ee ciyaaraha la martigeliyay.

Wuxuu ballanqaaday in Magaalada Stockholm ay weligeed guntiga dhiisha isaga dhigi jirtay sidii ay u martigelin lahayd ciyaaraha Xagaaga ee uu Sanad walba walba qabto Ururka SEUKI.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Tartankan waxaa kooxihii aan kaalimaha koowaad ku soo bixin ay heleen abaal-marinno uu ku sharfay Ururka SEUKI. Wuxuuna tartanka sanadkan ku soo dhamaaday jawi aad u macaan.

Source: Hiiraan Online

 
 

        Print this article   Send to a friend   Back to top of page



 ALSO IN THIS SECTION
Qiimaha Xulka France Oo Hoos Udhac Ku Yimid Tan Iyo Maalintii Zidane Ciyaaraha Ka Fadhiistay
Robinho Oo Si Sirasmi Ah Ugu Biray Kooxda AC Milan Iyo Borriello Iyo Huntelaar Oo Ka Huleelay San Siro
Gago oo Shan Toddobaad ka Maqnaan Doona Garoomada Ciyaaraha
Aquilani oo Amaah ugu Wereegay Kooxda Juventus
Mourinho: “Guul-darradii England ee Koobka Adduunka Waxa Masuul ka ahaa Fabio Capello”
Isku-aadka Ciyaaraha Horyaalka Yurub oo Shalay La soo Saaray iyo Siday kooxuhu Isugu Beegmeen