War ka soo baxay Maamulka Kooxda Manchester United ayaa lagu xaqiijiyey in difaaca Serbia iyo Man United Nemanja Vidic inuu sii joogi doono naadiga isagoo qalinka ku duugi doona heshiis cusub.
28 – jirkaan ayaa heshiiska lala galay inta aysan bilaaban ciyaaraha Aduunka sida uu saxaafada usheegay agaasimaha kooxda Manchester United Mr. David Gill.
Vidic ayaa aad ugu cadhaysnaa mushaarka uu kula joogay kooxda Manchester United oo aad ugu yaraa ciyaaryahanka ay iska barbar ciyaaraan ee Ferdinand taasoo hada laga yaabo inuu ku mushaar noqdo ciyaaryahankaasi.
Nemanja oo haatan ku maqan fasaxa uu ka nasanayo ciyaarihii Aduunka iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa tababarka kusoo laaban doona maalmaha soo socoda isagoo la sheegay inuu qalinka dul dhigi doono waraaqda heshiiska isagoo laga yaabo inuu saxiixo heshiis aad u dheer oo uu kula sii joogi doono naadigiisa Man Utd.
Sidoo kale websit-ka Manchester United ayaa lagu sheegay in haatan la bilaabay in ciyaaryahanka xidiga u ah ee Wayne Rooney uu isagana heshiiska loo kordhin doono.
Heshiisyada la kordhinayo ayaa micnaheedu yahay ciyaaryahanada oo lala xiriirinayay kooxo waaweyn oo baadi goob ugu jiray inaay lasoo wareegaan taasoo ay ku doonayeen mushaaraad aad u badan iyadoo Manchester United ay ka mid tahay kooxaha ugu lacagta badan Aduunka.
Shiine Cilmi Kaahin