Washington,Xiddigga kubadda koleyga Michael Jordan, ayaa lacag dhan $10 million waydiistay laba shirkadood oo ah kuwa iibiya khudradda iyo alaabooyinka kale ee daruuriga ah, kadib markay sawiro laacibku leeyahay ku lifaaqeen baabuurtooda.
Ciyaartoyga caanka ah ee Jordan, ayaa sheegay in laba shirkadood oo ah kuwa ugu waaweyn ee iibiya alaabo isugu jira khudradda iyo cuntooyinka noocyadooda kala duwan ay ogolaansho la’aan u isticmaaleen sawiro muujinaya shakhsiyadiisa oo ay boodhadh waaweyn ku lifaaqeen sawirka xiddigga kubadda koleyga iyo iyagoo kalmado xayeysiis ah ay ku qoran tahay “Jordan iyo marinkiisii caanimada xirfadiisa.”.
Sidoo kale, Jordan ayaa caddeeyey inuu labada dacwadood ee uu ku oogay shirkaddaha Dominick Finer Foods iyo Jewel Food Store uu u gudbiyey maxkamadda Chicago, taasoo qoraalka shirkadda Dominick ay sawirka Jordan ku xayeysiisay muuqaal ka turjumaya laacibka gacanta gool ku dhalinaya saladh iyo iyagoo sawirka dushiisa ku muujiyey qoraal gaaban oo la dhinac cuntada nooca loo yaqaan Isteega, isla markaana shirkadda ayaa hoosta sawirada iyo qoraalada is wata ku qortay xayeysiiska ay ku hambalyeynayaan shirkadda Rancher Reserve oo ah shirkadda iska leh Dominick oo hambalyeynayo inay $2 ku iibsadaan cuntada Isteega si ay u helaan mid dheeraad ah.
Sidoo kale, shirkadda iyaduna dacwada lagu oogay, ayaa kaabaha nooca Air ee astaanta u ah in Jordan ku ciyaaro kubadda koleyga, gaar ahaana lambarka 23 ku muujisay sawir ay hoos dhigeen carrabka bini’aadamka iyo kalmado fariin ah oo gudbinaya xidhiidhka saaxiibtinimo ee shirkadda Jewels, balse sawirka ay u isticmaaleen xiddigga kubadda koleyga ayaa sida muuqata ka turjumayey gefka iyo unug-dheeg marin-habaabin ah oo lagula kacay kabaha uu xidho Jordan ee shirkadda caanka ah Nike ee kabaha soo saarta.
Si kastaba ha ahaatee, Jordan ayaa labada boosharile midkiibka ka dalbaday inuu bixiyo $5 million oo ah been abuur dhinaca xayeysiiska ah, khayaamayn macaamiis ah, marin habaabin isticmaalka calaamada ganacsiga iyo tartan cadaalad darro ah.
Haddaba, Jordan oo dadyow tiro badan ay rumaysan yihiin in dacwada ka dhanka ah ee xiddigga kubadda koleygu ku oogay shirkaddaha boosharilayaasha ah ay tahay mid uu ku baadi-goobayo siduu lacag u heli lahaa, balse arrintaas ayaan macneheedu ahayn in Jordan ogolaado sidii magiciisa loogu isticmaali lahaa xayeysiisyada iyadoon aan ogolaanshiyo laga haysan.
Shiine Cilmi Kaahin - HARGEYSA
shiino@dalmar.org