Meyd qof rayid ah oo saakay lagu arkey agagaarka kuuliyada Jaale Siyaad iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo.. ----- Posted to the Web
Wednesday 13 February, 2008 -----
Meydka qof la sheegay in uu rayid ahaa ayaa saakay lagu arkey agagaarka Kuuliyadii Jaale Siyaad Magaalada Muqdisho, iyada oo ciidamada Itoobiyaanka saakay halkaasi howl galo ay ka sameeyeen.
Wararka ayaa sheegaya in qofkan Rayidka ah ciidamada Itoobiyaanka ay diideen in meydkiisa halkaasi laga qaado, loona soo dhowaado, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka qaarkood.
warar ayaa sheegaya in ninkani oo u socdey suuqa Bakaaraha oo la sheegay in uu ka shaqeyn jiray ay kooxo hubeysan dileen.
Dhinaca kale, Ciidamada dowlada federaalka Itoobiyaanka ayaa saakay howl galo ka sameeyey deegaano ku dhow Kuuliyadii hore ee Jaale Siyaad.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa howl galkooda uu yimid, ka gadaal markii qofkan rayidka ah la dilay.
Mohamed Ali MAdka
Muqdisho-Somalia
|
|
| |
| |
|