Jaamacadda Carabta oo ku baaqday shir degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya ----- Posted to the Web
Thursday 29 July, 2010 -----
Qaahira, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Camar Muusa ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo ay arrinta Somalia ka yeeshaan wasiirro ka socda dalalka Carabta, Midowga Afrika, Ururka IGAD, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo ururka shirweynaha Islaamka si loo taageero dowladda Somalia si loo soo afjaro mushkiladda Somalia.
Mr. Camar Muusa waxa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in beesha caalamku ay taageero u fidiso ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda midowga Afrika, kuwaasoo ilaalinaya ayuu yidhi hay’aadka xukuumadda Somalia.
Camar Muusa waxa uu tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay ku garab taagan tahay Midowga Afrika xallinta mushaakiladda Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamo caalami ah oo nabad ilaalineed oo suga amaanka xarumaha dowladda iyo halbowlayaasha dhaqaalaha dalka Somalia ee burbursan.
Waeysi aan la yeelanay Wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga Maxamed Abdi Yusuf oo aan ka wareysanay xaaladda dalka iyo qorshaha dowladadda KMG.
Qysaska Soomalida ee caruurta ay dhaleen laga qaato, oo wayahan danbe ay soo kordhay. Maxaa keena amuurtaas ayaan ka wareysanay Sahra Naleye iyo Abdimalik Yusuf.
Xarigga agaasimiha Idaacadda Horseed Media ee Bossaso oo aan ka wareysanay Agaasimaha guud ee Horseed Media Mahad Muse Ahmed.