Ciidamada dowladda Somalia oo dad ku qabqabtay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho ----- Posted to the Web
Thursday 29 July, 2010 -----
Muqdisho, Howlgal ay maanta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ka sameeyeen ciidamada dowladda KMG Somalia ee degmadaas ayay ku qabqabteen tiro dad ah oo ay u dhaadhiciyeen xabsi.
Sida warku sheegayo ciidamada dowladda Somalia oo saacadihii la soo dhaafay howlgal dad ay ku qabqabteen ka sameeyay degmada Wadajir ayaa la sheegay inay tiro dhalinyaro ah ku soo qabqabteen, kuwaasoo qaarkood laga soo qabqabtay guryahooda.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Wadajir Xuseen Bootaan ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada maamulka degmada Wadajir ay sameeyeen howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayay sida uu yiri amaanka degmada Wadajir, isagoo xusay in dadka la qabqabtay baaritaan lagu sameynayo, kuwa aan la tuhunsanayn inay dambi leeyihiina la sii deynayo sida uu yidhi.
Maalmihii la soo dhaafay degmada Wadajir ayaa waxaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya loogu geystay qaraxyo is xigxigay oo waxyeello ay ka soo gaartay ciidamada la weeraray iyadoo sidoo kale degmooyinka Waaberi, X/jajab, X/weyne iyo Dharkenley qaraxyo loogu geysanayay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Xaaladda siyaasadda Nederland iyo fashilka wadahadaladii xisbiyada dowladda soo dhisi lahaa oo aan ka wareysanay Eng. Guled Axmed oo ka tirsan ururka Eurosoma.
Waeysi aan la yeelanay Wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga Maxamed Abdi Yusuf oo aan ka wareysanay xaaladda dalka iyo qorshaha dowladadda KMG.
Qysaska Soomalida ee caruurta ay dhaleen laga qaato, oo wayahan danbe ay soo kordhay. Maxaa keena amuurtaas ayaan ka wareysanay Sahra Naleye iyo Abdimalik Yusuf.
Xarigga agaasimiha Idaacadda Horseed Media ee Bossaso oo aan ka wareysanay Agaasimaha guud ee Horseed Media Mahad Muse Ahmed.