www.dalmar.org
Home
Profile
DTC
Sport
Articles
Reports
Gallery Radio
Videos
Forum
Contact us






 SOMALI NEWS
War Deg Deg:Beesha Ayuub oo ku mudaharaaday Xukuumadda Siilaanyo soo dhisay oo ay ka waayeen Wasiir uu ugu balan qaaday
----- Posted to the Web Thursday 29 July, 2010 -----

Hargeysa,Dadweynaha Xaafadda Isha Boorame ee Magaaladda Hargeysa ee ka soo jeeda Beesha Ayuub ayaa maanta ku mudaharaaday Xukuumadda uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Siilaanyo.

Dadweynaha Xaafadaasi ayaa saaka gadooday, waxaanay Taayiro ku gubeen Jidka Xaafadaasi taga, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lidi ku ah Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, oo ay ku tilmaameen inay tahay mid aan si hufan loo soo dhisin.

Beesha Ayuub ayaa si weyn uga cadhootay sababta Madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabai waayay Wasiir iyagoo qaar ka mid ah dadweynihii mudaharaadayay ay sheegayeen inuu kaga baxay Beesha Wasiir uu ugu balan qaaday inuu u magacaabayo, iyagoo sheegay inay ku khasaareen taageeradii ay beeshu siisay, oo in badan Mucaarad ku ahayd Xukuumaddii Rayaale.

Ciidamo badan oo Booliis ah ayaa ka hortagay dadkii Mudaharaadayay waxaanay qab-qabteen qaar ka mid ah oo ay xabsiga u taxaabeen isla markaana waxay baabi’iyeen taayiradii iyo dhagaxaantii ay wadada ku jareen.

Talaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee beel ka mid ah beelaha Somaliland ay kaga hor yimaadaan Xukuumadda Siilaanyo ee shalay uun lagu dhawaaqay, iyadoo ilaa shalayna ay jiraan cabashooyin badan oo lagu saluugsan yahay qaabka loo soo qaybiyay Xubnaha Wasiiradda ah ee Xukuumadiisa.

La Soco Wararka ka soo kordha ….

Shiine Cilmi Kaahin - Hargeysa
sirshiine@yahoo.com

 
 

        Print this article   Send to a friend   Back to top of page



 ALSO IN THIS SECTION
ICRC: Somalis swamp hospitals after 8 violent days
K'naan tweets apology over 'insincere' performance
United Nations says 22,000 more people displaced in Somalia
Young, Talented and Somali: Liban Xasan the future of British Tennis
AU force boosts size, positions in Mogadishu: official
AU peacekeepers establish more bases in Somalia
 






Xaaladda siyaasadda Nederland iyo fashilka wadahadaladii xisbiyada dowladda soo dhisi lahaa oo aan ka wareysanay Eng. Guled Axmed oo ka tirsan ururka Eurosoma.

Texte alternatif


Islam and the West Part Two: By Amb Mahamud Tarey.

Waeysi aan la yeelanay Wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga Maxamed Abdi Yusuf oo aan ka wareysanay xaaladda dalka iyo qorshaha dowladadda KMG.

Texte alternatif


Qysaska Soomalida ee caruurta ay dhaleen laga qaato, oo wayahan danbe ay soo kordhay. Maxaa keena amuurtaas ayaan ka wareysanay Sahra Naleye iyo Abdimalik Yusuf.

Texte alternatif


Xarigga agaasimiha Idaacadda Horseed Media ee Bossaso oo aan ka wareysanay Agaasimaha guud ee Horseed Media Mahad Muse Ahmed.

Texte alternatif