www.dalmar.org
Home
Profile
DTC
Sport
Articles
Reports
Gallery Radio
Videos
Forum
Contact us






 SOMALI NEWS
Wararkii u dambeeyay ee dagaalkii ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso
----- Posted to the Web Tuesday 27 July, 2010 -----

Boosaaso, Tuulada Karin ee gobolka Bari oo shalay dagaallo qasaaro nafeed sababay ay ka dheceen ayaa xalay laga dareemayay jawi deganaansho ah.

Dagaalkaa oo u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyo taabacsan Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Siciid {Attam} oo fariisin ku leh buuralayda Galgala oo qiyaastii 40-km u jirta magaalada Boosaaso ayaa yimid kadib markii ciidamo taabacsan Sheekh Attam oo fariisin ku leh buuraleyda Galgala ay weerar ku qaadeen habeen hore goob ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku taala degaanka Karin, halkaasoo uu ka dhacay iska horimaad culus, iyadoo lagala wareegay ciidamada Puntland degaankaasi, sidoo kalena gaadiid ay wateen ciidamada Puntland midna la gubay midna la qabsaday, kadibna ay dib isaga laabteen.

Sida warku sheegayo ciidamada Puntland oo dib isu soo aruursaday ayaa weerar rogaal celin ah ku qaaday fariisin ay ciidamada Sheekh Atam ku lahaayeen afaafka hore ee Buuraleyda Galgala, waxaana halkaasi shalay duhurkii ka dhacay dagaal qaraar oo muddo saacado ah socday, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isagoo sababay qasaaro nafeed oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, wuxuuna shacabka Puntland ugu baaqay in dagaalka laga wada qeyb qaato, isla markaana la iska qabto kooxaha Puntland ku soo duulay sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay beesha caalamka iyo gobollada deriska la ah Puntland inay gacan ka siiyaan maamulkiisa dagaalka ay kula jiraan kooxo uu ku sheegay inay yihiin Al-shabaab, wuxuuna dadweynaha reer Puntland ugu baaqay in dagaalka ka qeyb qaataan.

“Hadda ka hor waxaa la soo weeraray magaalada Gaalkacyo dadka reer Puntland way iska difaaceen, sidoo kalena sanadkii 1992-dii waxaa na soo weeraray kooxo ku soo tababartay dalka Afganistaan, waana ka adkaanay, haddana kuwan waan ka adkaaneynaa” ayuu yiri Mr. Faroole.

Warkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in mas’uuliyin ka tirsan maamulka Puntland oo ay la socdaan ciidamo iyo gaadiid dagaal ay ka amabaxeen magaalada Garoowe, kuwaasoo gaaray xalay ka baxay magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay inuu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Jen. C/samad Cali Shire.

 
 

        Print this article   Send to a friend   Back to top of page



 ALSO IN THIS SECTION
AU force boosts size, positions in Mogadishu: official
AU peacekeepers establish more bases in Somalia
A young Somali's long journey to safety in South Africa
Militant al-Shabab Fighters Bear Down on Somali Capital Mogadishu
Uganda ready to send 10,000 troops to Somalia: army
In Somali Civil War, Both Sides Embrace Pirates
 





Islam and the West Part Two: By Amb Mahamud Tarey.

Waeysi aan la yeelanay Wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga Maxamed Abdi Yusuf oo aan ka wareysanay xaaladda dalka iyo qorshaha dowladadda KMG.

Texte alternatif


Qysaska Soomalida ee caruurta ay dhaleen laga qaato, oo wayahan danbe ay soo kordhay. Maxaa keena amuurtaas ayaan ka wareysanay Sahra Naleye iyo Abdimalik Yusuf.

Texte alternatif


Xarigga agaasimiha Idaacadda Horseed Media ee Bossaso oo aan ka wareysanay Agaasimaha guud ee Horseed Media Mahad Muse Ahmed.

Texte alternatif