Nin dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uusan seexan karin habeenkii ilaa uu telefan kula hadlo gabdho, si uu codkooda u dhegeysto, ugu dambeyntiina u seexdo.
Wiilkan oo aan la sheekeysanay ayaa sheegay in habeen kasta ay qasab tahay in taleefankiisa Mobile-kiisa uu ku shubto ugu yaraan labo ama sedex Dolar, isagoo wacaya numbero ay leeyihiin gabdho uu yaqaano, si uu codkooda u dhegeysto.
Wuxuu sheegay in mararka qaar xitaa ay dhacdo in uu garaaco numbero taleefano uusan aqoon, si uu ugu nasiibsado.
Mararka qaar ayuu sheegay in isaga oo maqsuud ah uu seexdo, kadib marka uu dhegeysto codad kala duwan oo haween ah, kuwaasi oo uu sheegay in aysan qasab ahayn in uu yaqaano.
Sidan ayuu sheegay wiilkan oo naga codsadey in magaciisa la qariyo in uu isku arkey sedexdii sano ee ugu dambeysay, isaga oo dhinaca kale sheegay in maalin kasta ay qasab tahay in uu raadiyo lacagta ama kaararka uu caawa balwadiisa ku wici lahaa...
Mohamed Haji Ali
xafiiskamuqdisho@hotmail.com






























