Buuq iyo dagaal gacan ka hadal ah ayaa ka dhashay, markii gabar lagu magacaabo Fartuun Abuukar lagu furey, isla goobtii meherka uu ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahaa.
Dhacdadan ayaa waxay u dhacdey, kadib markii meherka uu dhamaadey, Odayaashii ka socdey dhinaca wiilkana ay baxeen ayuu wiilka kaligiis soo laabtey, isaga oo u sheegay qoyskii gabadha in uu ka laabtey qorshihiisii guurka.
Goob joogayaasha ayaa sheegay in wiil la dhashay gabadha oo arrintaasi ka caroodey uu gacan u qaadey wiilka walaashiis lagu meheriyay, taasi oo jawigii bedeshay, iyadoo goobta ay ka jirtey xaflad la soo agaasimay.
Wiilka gabadha lagu mehriyay ayaa ku doodey in loo soo celiyo lacagihii sooryada, inkastoo taasi laga diidey, gogolna ay tagtey.
Wiilka oo goor dambe la weydiiyay waxa keenay in uu sidaasi u dhaqmo ayaa sheegay in uu ka war helay dhaqan xumo gabadha caan ku ahayd, isagana uusan ku aqoon, taasi oo uu sheegay in uu u dulqaadan waayay.
Mohamed Ali MAdka
Muqdisho-Somalia






























