|
Radio Dalmar |
|
AAKHIROOY XAGEEBAAD NAGA XIGTAA? iNTAAD GEESI XAGAAGA AAKHIROOY AAD KU XARAYSAY IYO GAARIBAA LA XISAABIN KARAYNNE MAANTANA MA HALYAYGII AAN JECLAA MA ABWAANKII UMADAYDA, MA WADANIIGII AAN GABASHADA AQOON GARDARADANA KA XISHOON JIRAY CABDI MUXUMAD AMIIN AYAAD LA XAROOTAY OO AAN TACSIDIISII QORAA:
Cabdi muxumad Amin 01.11.2008 ayuu ku allaystay kenya.geeridu xaq weeye waxaase layidhi geeriyi nimaadan aqoon iyo geeljiray ku haboonayd.. Cabdi Muxumad Amin waxaanu isku barannay Addis Abeba, ku dhowaad sanad ayaanu halguri wada degenayn, waxaanan kolkaas ka hadli jiray idaacadii radio Kulmis. Maalintii iigu horeysay anigo wata Gaadhi Mazda ah oo uu lahaa ,Taadhase oo aanu saaxiib ahayn macalin schoolna ahaa ayu igu yidh::war xagaryare kaalayoo adeer i qaad.. Waxuu ii sheegay in gabadh ay shekestaan xageeda aan abaariyo, waxaanu galay aqal aan dareemaayay in aad looga sugaayo kolkaannu gallay ayaa gabadh guduudan waxay noo soo dhowaysay kalgacayl kalmadii ugu horreysay ayay isaga ku bilawday oo waxay tidhi (JIGIR AALLE oo micneheedu yahay ..wax dhib ah dhankaaga ma ku hayaa, wuxuu ugu jawaabay hees waagii danbe itoobiya badideed caan ka noqotay wuxuuyidhi ANJII QONJO DUMAREEY JACAYLKAAGA MOOYEE JIGIR KALE YELEM::
CABDI MUXUMAD wuxuu ku dhashaymagaalada Gebileey, oo qiyaastii 50KM dhanka galbeed kaga aadan Hargeysa, siduu abwaanku ii sheegay xilli uu ku qiyaasay 1935. Waxaa isla yaraantiisii dib loogu celiyay Jigjiga oo loo sii dhaafiyay, Diri-Dhabo.oo uu ku soo barbaaray.,sababta dhankaas loo geeyay waxaa ay ahayd, wuxuu ka soo jeeday asalkiisii gobolka Harar qaybta uu waagii danbe Mingiste Xayle Maryama u bixiyay ( CIISA AND GURGURAA) asagoo Cabdi gaar uga soo jeeday qaybta Gur-Guraa. Cabdi muxumad wuxuu ii sheegay taariikh anan filayn oo ahayd in fadhigii ugu horeeyay,ee lagu so hadal qaado dhismaha ururkii SYL uu ku yaalo Jigjiga,wanan soo arkay halkaas. Cabdi Jigjiga ayuu ku barbaaray,wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay oo uu kurayga ay isku qayrka yihiin kaga muuqaal dheeraa.asagoo dhaantada aad caan ugu ahaa. Reer Jigjiga Cabdi muxumad Amin waxay ku xasuustaan dhaanto uu kula hadlay dayuurad dhaw rjeer soo dulmartay meel ay ku ciyaarayeen. Cabdi oo yaraantiiba qalbigiisa sudhmay jacaylka soomaaliya, laakiin maadaamo ay yaraani ciilaysay, ayaa wuxuu aad ugu farxilahaa, haduu arko lug ku sii jeeda soomaliya, hayeeshee dhowr jeer ayaa waxaa duushiisa ka billdhaantay dayuurad.oo ay caruurtu hoos yaaci jirtay. Sidii oo ay orod ku gaadhayaan,malin maalmaha ka mida ayuu la soo booday dhaantadaas caanka baxday..wuxuuna yidhi DAYUURADDA XIIMIYEEY XAAWOOOY , XAGIYO BARI MAYSU RAACNAA? Akhriste kolkaad joogtid somalida galbeed, xagga Bari waxaa kaa xiga waa Soomaliya oo dhan ee ha u qaadan in uu gobolada bari ula jeedo" Abaare 1953 ayuu yimid Soomaaliya,wuxuuna halkaas ka bilaabay xarakadii xornimadoonka,wuxuu xubin ka noqday xisbigii (SYL). Wuxuuna kolka xisbiga la sii sarifo ka mid ahaa faricii la odhanjiray (HORSEDKA)
Xornimadii ka dib dhowr sanoba kadib waxaa durbadiiba Cabdi u bildhaantay in isaga iyo malaayiintii soomaaliyeed ee xornimada u soo halgamay ay ku hungoobeen, oo ay xornimadii ku ekaatay oo kali ah marada oo la sudhay (calanka)
kadib markii ay dawladihii rayidka ahaa danahoodii gaarka ahaa ku badaleen dantii guud,xaalkooduna uu noqday,,KAAGA HOREEYAYE HA IIGU IMAANIN:: wuxuu durbadiiba bilaabay in uu qaab suugaaneed iyo sawaxan kaleba dadkii ku kiciyo oo uu tuso in xaqii ay raadinayeen ee ay xornimada ugu ooyayeen wali ka maqanyaha. Waxaana cabdi ay dawlladihii rayidka ahaa xidheen qiyas tiraba 3jeer 1963-64 kii, waxaana la odhan karaa kacaankii 21 oktoobar wuxuu ka faaiidaystay kacdoonkii dadwaynaha,ee uu Cabdi dhalinyaro uu ku jiro hormuudk ka ahaayeen. Dhalashadii kacaanka Mr Ammin wuxuu ku qaabillay gacmo furan, ka dib markii ay saraakiishii milatari ee hogaaminayay Maxamed Siyaad ay soo bandhigeen qodobo macaan oo ka tarjumaaya rabitaanka shacbiga, Suugaantii uu ku qabillay Cabdi waxaa ugu waynayd heestii markii danbana loo aqoonsaday Heesta Astaanta KACAANKA ee ahayd. WADADII CADDAYD CAGTA SAARTAYOO KU CARAABISEEE CIMRIGII JIRYOOW CAAYNAADKA HAY CAQLITOOSANOO CAAFIMAADQABAAD NAGU CAYMISEE CIMRIGII JIRYOOW CAYNAADKA HAY: CUDUDOOMIDIYO CAANAHA WADAAG WAA CADILNIMEE CIMRIGIIJIRYOOW CAYNAANKA HAY: KII CIIL QABEE CUNTA GOONI RABAY CIIDDA HA GALLEE CIMRIGII JIRYOOW CAYNAANKA HAY: CADAWGEENNA BADAN AAN CIDHIBJARNOO CAGTA HOOSDHIGNEE CIMRIGII JIRYOOW CAYNAANKA HAY:
Heesaha Cabdi muxumad Amin aan ku xasuusankaro waxaa kamid ahaa heesta qaliga ah ee ay wadaqaadaan isaga alle ha u naxariistee iyo Hibo Maxamad H.Nuura, DOCKASTOO LA EEGOO NOLOSHA DUNIDUU WAA DABKEE HADII DABKII DHAXMOODOO MAXAA LAGU DIIRIYAA; RUUXII CUDUR DILAAYOO DAWADAA BOGSIISEE HADAY DAWO BUKOOTO MAXAA LAGU DABIIBAA:?
Waxaa kaloo la iloobi karin heesta ay waliba wada jirka ula jabinaayeen Axmad Cali Cigaal, Maryan Mursal iyo Hibo Maxamed ee ahayd:
SIDA GOROYO CAWL AMA GOOL IRMAAN AMA GALAWGA CIYA WAAN GOOHAYAA GABADHAAN JECLAA: ANIGUBA GUNTADAYOO CAASHAQANKUGALAY GEED XIDIDKI IGU NOQOY; LAMA DIIDO GAR IGAMANA GUWAYNIDE WAXAN AHAY GAYAANKAA GACANBAAN KU SIIYAYE HOO GACANTA HOO:
Hadba waxa taagan kama uu gaban jirin ee qaab uu ku cabiraba wuu ka hadlijiray. Tusaale waxaa kuugu filan markii ay bateen qudbadihii wasiiradii kacaanka,iyo balanqaadyadii kacaanka ayaa waxaa u muuqday in aysan isu dheeli tirrneyn, balanqadyada kacaanka cawaysan iyo baahida umadda oo aan wali far laga dabooli. wuxuuna tiriyay heestan ANIGU MUUFAANDOONAYAA MUUFO MUUFO MARAQ AAN KU DHUUQAANDONAYA MOOS AAN CUNAABAAN DOONAYAA MININ AAN GALAABAAN DOONAYAA MARA AAN XIDHAABAAN DOONAYAA HADAAN HADAAN MUUFO WAAYO MA WARBAA MEESHAYAAL MUUFOOY MUFA MACAAN LAGAMA MAARMEE MUUFOOY: Mudo ka bacdi waxaa is ku dhacay Cabdi muxumad Amin iyo hogaamiyayashii kacaanka, wuxuuna u baxsaday dhankaas iyo Itoobiya,wuxuu ka mid noqday, jabhaddii SSDF ee uu hogaaminaayay Cabdulahi Yuusuf Axmad. Muddo kadib ayaa waxaa u Cabdulaahi Yuusuf ku dhaliilay in uu ka leexday wadadii halganka oo uu qabiil isugu biya shubtay, waxayna ka garab aas-aaseen garab islla SSDF-ta ah oo la yidhaa(Calan casta). Waxaa garabkan hogaaminaayay nin soomaaliya wasiir ka ahaa,Cabdiraxmaan Caydiid Dhab-dhable,oo ay Cabdi saaxiib qaaliya ahaayeen. Aniga iyo Cabdi waxaanu wada degenayn muddo sanad ku dhow hal aqal oo uu lahaa wasiirka Cabdiraxmaan Caydiid. hadaba subax ayuu ii yeedhay, Cabdi anigoo u sii socda,idaacadii radio Kulmis oo aan ka hadlijiray, wuxuu i siiyay 20 riyaal oo runtii igu filayd,wuxuu yidhi,. “ adeer waan baxaynaa aniga, Cabdiraxmaan Caydiid,iyo ingneer iikar xaaji xuseen oo uu dhalay halyaygii SYL Xaaji xuseen.waxaan tagaynaa Diridhabo, waxaana na loogu yedhay shir lagu dhexdhexaadinaayo garabyada Cabdulaahi Yuusuf iyo calan casta ee sii dadaala”
Saddex cisho ka dib ayaa waxaa Diridhabo ka soo yeedhay war naxdin leh, Waxaa na lagu yidhi, Cabdiraxmaan Caydiid iyo ing,.iikar waa dhinteen,Cabdi Muxumad Amiina isagana waa dhaawac,,,,NAXDIN WAYNAA.. Waxaa na loo dhamaystiray siduu xaal u dhacay oo layidhi, habeen ayaa Cabdullaahi Yuusuf ku marti qaaday sadexda nin hodheelka layidhaa Ras Hotel Diridhabo. Cashadii ka dib ayuu Cabdulaahi Yuusuf ku martiqaday ragga in uu sii galbiyo gaadhigiisa oo VOLVO ah ,hayeeshee Cabdiraxmaan Caydiid oo hogaaminaayay sadexda nin ayaa diiday oo yidhi waanu iska sii minjo baxsan, wax yar kadib marka ay marayaan meel luuq madaw ah,ayaa waxaa la huwiyay rasaas aan la garanaynin cir iyo dhul meel ay uga timid. Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar nafta dhulka lama aysan dhicin, Cabdi Muxumad Amiina wuu dhaawacmay, oo meel luuqa ayaa waxaa ka soo boday rag hubaysan,. Raggi oo doonayey in ay dhaawaca sii dhameystiraan ayaa Cabdi oo arkay ragga, ayaa dhulka isku nabay oo uu iska dhigay mayd. Raggii waxay ku dheceen gaadhi meesha u siiyaalay,markii uu gadhigii dhaqaaqay, ayuu Cabdi booday oo sadex dhagax muraayada hore kaga dhuftay si uu u calaamadiyo gacan ku dhiiglayaasha, wuuna ka cararay, Cabdi dhaqtar baa la dhigay,ballse markii uu bogsaday wuxuu u cararay Yemen,waxaana ay halkaas kaga dhowaaqeen halgankii in ay sii wadayaan,waxaana ku wehelisay siyaasiyadda caanka ah Faadumo Axmad Warsame oo ahayd marwadii laga dilay Cabdiraxmaan Caydiid. Xilli aan ku qiyaasaayo 1987 ayaa waxaa dalka Yemen yimid wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Maxamed Siyaad Barre.oo ay halkaas ku heshiiyeen dabadeedna Cabdi ,halkaas ka kaxeeyay,oo xamar ku celiyay, Cabdi Muxumad markii uu Xamar ku laabtay muusan noqonin ,Haye Fudud ee halkiisii ayuu ka sii waday inuu indho dheer u yeesho siday wax u kala socdaan. Waxaa uu durba bilaabay heeso guubaabo ah oo uu qaladka jira ku saxaay, waxaana kamid ahaa SOO BARIGALLAY LANDCRUSER GADO GUUXIISA MOOD GOB INAAD KUTAHAY GEESKA AFRIKAAY;; Cabdi Muxumad kol la waydiiyay, waar Cabdoow ma mucaaradnimo ayuun baad wadi wuxuu kaga jawaabay , DALKAYGA WAAN JECLAHAY DADKAYGA WAAN JECLAHAY; DOCADOCAYNTAAN UDIIDAYAA WIXII DULMAANYAN LA DIRIRAYAA DALKAYGA WAAN JECLAHAY; DALKAYAGIIYOOW KII AAN IDAA IYO WAAN DAALAY LAHAYNOOW INKASTOO DUSHAADA QAAR DAALIMIIN AHI DAMBAAAJINAAYAAN DALKAYGIIYOOW:
Cabdi Muxumad Amiin xiligii kala guurka dalka kama uu bixin,balse wuxuu had iyo habeen u taagnaa isu maslaxaynta umadda soo maaliyeed ee waxaan sagaaro ka biiqsan gam isaga siisay, Cabdi shir dib u heshiineed oo anu ka qayb galin anigu garanmaayo,wuxuuna haatan ahaa gudoomiyaha xisbiga nabadda(UPP)=(unity and Peace Party), Suugaanta xiligan kala guurka lagu xasuustana waxaa kamid ah. QORIGA DHIG QARANKA DHIS. iyo heesta qiiradaleh ee ay ku luuqayso Faadumo Qaasim Hilowle DALKAYGOOW DALXIIS KAGAMAAN IMAN DALKAYGOOW DABAYSHAADA WAA UDGOONTAHAY, Saaxiibkey Cabdi Muxumad Amiin wuxuu ifkakaga tagay 8 caruur ah oo aan la qaybsanaayo caawa murugada.
Allow u Naxariisto,Cabdi Muxumad Amiin AAAAMIIIIINNNNN
Walaalkiin Wariye Cali Cabdiwali(XAGAR YARE) GERMANY |